Wararka

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Somalia ayaa looga hadlay dagaalkii…


Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaalkii cuslaa ee maalintii shalay ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo ay Wasaarradu ku eedeysay in ay soo abaabushay dowladda Kenya.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in maleeshiyaad sharci darro ah oo ay soo hubeysay dowladda Kenya in ay ka soo gudbeen xadka iyaga oo weerar ku soo qaaday gobolka Gedo gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.

Wasaarradda ayaa ku amaantay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sida ay isaga caabiyeen weerarkii ugu yimid maleeshiyada taageerada militari ka helayay dowladda Kenya.

Warkan ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa u muuqda mid jawaab u ah bayaan dowladda Kenya ay ka soo saartay dagaalka oo ay ku sheegtay mid walaac badan ku haya Kenya iyaga oo ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13329 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: