Wararka

Baarlamaanka Turkiga ayaa u kordhiyey muddo hal sano ah hawlgalka ciidamada Turkiga…


Baarlamaanka waddanka Turkiga ayaa xalay ansixiyay Qaraar ku saabsan in mudda sannad ah lagu kordhiyo Hawlgalka Ciidamada Turkiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Hawlgalkaas Ciidamada Turkiga oo ku ekaa 10-ka bisha February ee sanadkan 2021, ayaa lagu kordhiyay mudda sannad ah oo ku eg 10-ka bisha February 2022, sida laga soo xigtay Qaraarka Baarlamanka.

Ciidamada Turkiga ee jooga Xeebaha Soomaaliya, ayaa qaabilsan Ilaalinta maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga, si aysan ula kulmin weeraro uga yimaada Burcad-badeedda Soomaalida.

Qaraarka waxa lagu sheegay in Ciidamada Badda Turkiga ee ka hawlgala xeebaha Soomaaliya ay muhiim u yihiin Amniga maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga ee mara Gacanka Cadmeed, sidaas darteedna loo kordhiyay mudda sannad ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13261 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: