Inter ayaa u soo baxday semi-finalka Coppa Italia kadib markii ay ka badisay AC Milan…
Inter Milan ayaa ku guuleysatay “Derbigii xanaaqa” waxayna u soo baxday semi-finalka Coppa Italia, ka dib guushoodii cajiibka aheyd ee ay 2-1 uga badisay Milan garoonka San Siro wareega quarter-finalka ee tartanka.
Milan ayaa goolka koowaad u dhaliyey gooldhaliyahooda Zlatan Ibrahimovic daqiiqadii 31-aad, kaasoo ciyaarta laga saaray daqiiqadii 58-aad, kadib markii uu galay dagaal isla markaana ay isku dheceen gooldhaliyaha Inter Romelu Lukaku.
Milan ayaa saameyn taban ku yeelatay ceyrintii Ibrahimovic, waxaana Lukaku u suuragashay inuu dhaliyo goolka barbaraha ee Inter daqiiqadii 71-aad.
Christian Eriksen ayaa guusha u soo hooyay kooxda Inter, isagoo dhaliyay goolkii labaad waqtigii halista ee daqiiqadii 97aad.
Semi-finalka, Inter ayaa wajihi doonta kooxdii badisa kulanka Juventus-SPAL.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com