Wararka

Guddiyada ay shaaciyeen labada dowlad goboleed ayaa la sheegay inuu baalmarsan sharciga…


War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa looga hadlay guddiyada doorasho ee heer Federaal oo ay ku dhawaaqeen labada dowlad gobolleed Puntland iyo Jubbaland.

Qoraalka Wasaarrada ayaa lagu sheegay in heshiiskii doorasho ee dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada ay gaareen 17kii bishii September 2020, oo ay meel mariyeen golaha shacabka iyo hab raacyadii ku lifaaqnaa ee sida wadajir ah loo saxiixay 1dii October 2020, ahaayeen kuwo qeexaya hannaanka loo marayo magacaabista guddiyada doorasho heer federaal iyo heer dowlad gobolleed.

Wasaarrada ayaa sheegtay in guddiyada ay shaaciyeen labada dowlad gobolleed ee Punland iyo Jubbaland yihiin kuwo gabi ahaanba baalmarsan hannaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyada

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: