Wararka

Swan ayaa soo dhaweeyey magacaabista guddiyada doorashooyinka ee P/land iyo J/land…


Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa soo dhaweeyey magacaabista dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee guddiyada doorashooyinka isagoo tallaabadaasi ku tilmaamay mid “wax ku ool ah”.

Ergayga ayaa hadalkaan ka sheegay, xilli uu warbaahinta maanta kula hadlayey magaalada Jowhar kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha Hirshabelle.

James Swan ayaa sidoo kale xusay in kulanka lagu baaqay ee madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah uu yahay mid waxtar leh.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa maalmo kahor la hadlay madaxda Puntland iyo Jubbaland, isagoo ugu baaqay in xal degdeg ah laga gaaro khilaafka doorashada.

Soo dhowayntiisa ayaa kusoo beegmaysa wax yar kahor markii warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha lagu sheegay in guddiyada ay magacaabeen Puntland iyo Jubbaland loo maray sifo sharci darro ah.

Shabakada wararka, hagaag.com ino@hagaag.com

About Admin (13285 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: