Wararka

Taliska Booliska ayaa gacanta ku dhigay nin kufsi iyo dil u geystay gabar sideed jir aheyd…


Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku soo dhigeen nin, 21-kii bishan duleedka Magaalada Muqdisho kufsi iyo dilba ugu gaystay gabar sideed jir ahayd.

Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gelinkii dambe ee Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Talaadadii lagu guuleystay in eedeysanaha gacanta lagu soo dhigo.

Afhayeenka ayaa sheegay eedeysanaha oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Qaasim, 25 jir-na ah inuu kufsi iyo dilba u gaystay gabar yar oo 8 sano jir ah, isla-markaana agoon ahayd.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in fal dembiyeedkan uu ka dhacay xero dadka barakacayaasha degan yihiin oo ku taala duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeyso deegaanada Calamada iyo Xaawo Cabdi.

Waxaa uu intaa ku daray in wada-shaqayn iyo iskaashi ay sameeyeen Maamulka deegaanka Lafoole iyo Saldhigga Booliska ee deegaanka Ceelasha Biyaha, ay horseeday in eedeysanaha oo qiraal ah laga soo qabto deegaanadaaasi.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa xusay in iminka eedeysanaha baaritaankiisa lagu dhameystirayo Xarunta Hay’adda Dembi Baarista (CID) ee Magaalada Muqdisho, si kiiskiisa loogu wareejiyo maxkamadda buu yiri awoodda u leh, isla-markaana uu u dhadhamiyo cadaaladda, falkii uu gabadhaasi yar u gaystay.

Doodisho ayaa ugu dambeen sheegay in dembiile kasta oo fal dembiyeed lagu dhibaateynayo qof muwaadin ah ka gaysta gudaha dalka uu mar uun cadaaladda wejihi doono, sidii horeyba u dhacday.

Kiisas badan oo kufsi ah ayaa waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay laga soo wariyay in laga gaystay xeryaha barakacayaasha ee ku yaala inta u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13329 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: