Wararka

Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo isugu jira Wasiiro iyo Saraakiil ciidan ayaa gaaray…


Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo isugu jira Wasiiro iyo Saraakiil ciidan, Wariye-yaalna ay la socdaan ayaa gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wafdiga oo saaka ka amba-baxay Magaalada Muqdisho ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Daawo ee Degmada Doolow.

Wafdigan oo uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Xasan Xuseen Xaaji ayaa degmadaasi u tagay, sidii ay ugula kulmi lahaayeen maxaabiistii dagaalka Degmada Beled Xaawo lagu qabtay.

Maxaabiistan oo laga qabtay Ciidamadii Jubbaland ee weeraray Degmada Beled Xaawo, tiradooduna ay gaareyso 179 askari ayaa Talaadadii la geeyay Degmada Doolow, iyadoona lagu hayo xero ciidan oo ku taala halka lagu magacaabo Buundo Garas.

Wafdiga ayaa waxay go’aamin doonaan waxa ay tahay in laga yeelo maxaabiistaasi, haddii lagu maxkamadeyn lahaa Magaalada Muqdisho iyo haddii kalaba.

Dagaalkii qaraaraa ee Isniintii ka dhacay Degmada Beled Xaawo ayaa galaaftay nolosha in ka badan shan iyo labaatan qof oo rayid u badan.

Dowladda Somalia ayaa Kenya ku eedeysay in jabhad ay hubeysay soo weerareen Degmada Beled Xaawo, ka dib markii ay ka soo gudbeen xuduudda Mandhera, oo billihii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen, inkastoo ay Kenya beenisay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13261 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: