Wararka

Kenya iyo Britain ayaa iska kaashanaya dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab…


Dowladdaha Kenya iyo Britain ayaa iska kaashanaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada gaar ahaan Ururka Al-Shabaab kadib wadahadal magaalada Nairobi ku dhaxmaray xoghayaha gaashaandhigga UK, Ben Wallace iyo Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Dr Fred Matiang’i iyo wasiirka gaashandhigga Kenya, Monica Juma.

Heshiis ay kala saxiixdeen labada dhinac ayaa dhiggaya in labada dowladdood ay iska kaashadaan dagaalka lagula jiro xoogagga ururka Al-Shabaab oo khatar ba’an ku haya dalka Kenya oo dhowr jeer oo hore ay weerarro culus ku qaadeen.

Labada dowladdood ayaa iska kaashan doona xogta ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxda qorshayaasha la xiriira weerarrada ay fuliyaan.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerarro kala duwan ka fuliyay gudaha dalka Kenya oo ay ku jirto caasimada Nairobi waxaana ay weerarradaa ay galaafteen nolosha dadka badan oo isugu jira Kenyan iyo ajaanib dalkaasi siyaabo kala duwan u joogay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13239 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: