Wararka

Axmed Madoobe ayaa Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay James Swan iyo madax ka…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey.

Axmed Madoobe ayaa Ergeyga Qaramada Midoobey uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo iyo dadaalka ay saaxiibada beesha caalamku ugu jiraan sidii xal rasmi ah loogu heli lahaa caqabadaha ku gadaaman sidii doorasho nabdoon wadar ogolna ah dalka uga dhici laheyd.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Axad ah qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNHCR, WFP, FAO iyo WHO.

“Dowlada Jubbaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka Madaxda qarankuna hormuudka u yihiin, Arrimaha la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta Gobolka Gedo waxay u baahan tahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee aan horey u soo galney loo xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay”

James Swan ayaa dhankiisa boggaadiyay tallaabaddii Jubbaland iyo Puntland ay qaadeen ee albaabka u furtay xaaladii cakirneyd ee ahaa guddiyadii ay magacaabeen iyo shirkii ay ku baaqeen oo dhashay in Madaxweyne Farmaajo uu shalay iclaamiyo shir la isugu yimaado oo ka dhaca Dhuusamareeb.

“Waxaan boggaadinayaa markale tallaabadii wax ku oolka ahayd ee albaabka u furtey xaaladii cakirneyd ee dalku ku jirey ee ay qaadeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland taas oo ay 28dii bishan kusoo magacaabeen gudiyadii doorashada ee heer Dowlad goboleed iyo baaqoodii ahaa in ay Madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyadu shir isugu imaadaan taas oo dhashey in Madaxweynaha JFS uu shaley shir isugu yeero Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo aan ka fileyno inay kasoo bixi doonaan qodobo ka turjumaya sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhanyahay iyo isu tanaasul madaxda dhexdooda ah”

James Swan ayaa booqasho ugu tegey xarumaha dowlad goboleedyada dalka isagoo kula kulmay madaxda dowlad goboleedyada toddobaadkan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: