Wararka

Cabdicasiis Lafta-gareen iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb…


Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulkiisa, waxaana loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada.

Madaxweyaha Koonfur Galbeed ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee gaara magaalada Dhuusamareeb isagoo ka qeyb galaya Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo maanta lagu wado inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa lagu wadaa inay gaaraan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, kuwaasi oo ka qeyb galaya shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: