Wararka

General Galaal oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee Ciidanka XDS ayaa la xaqiijiyey inuu ku…


General Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la xaqiiiyay in uu ku dhintay weerarka Hotel Afrik.

Maleeshiya ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa weeraray hotelkan, oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aadda Garoonka Aadan Cadde.

General Maxamed Nuur Galaal ayaa ka mid ahaa dadkii ku go’doomay hotelkaasi, ka dib markii uu weerarku bilowday

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia ayaa xaqiijiyay geerida General Galaal.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13287 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: