Wararka

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa gaaray magaalada Samareeb ee Galmudug…


Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaaladda Samareeb ee Caasimada Dowlad goboleedka Galmudug halkaas oo ka furmaayo shirka wadatashiga dowlad goboleedyadda, gobolka Banaadir iyo dowladda dhaxe.

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka caasimada ku soo dhowaayey wefdiga Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin ka hor shir wadatashi ah iskugu yeeray dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.


Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: