Wararka

Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyey in gogosha shirka la ballaariyo, lagana qeyb geliyo…


Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa war saxaafadeed ka soo saaray shirka Dhuusamareeb iyo kuraasta Gobolka Banaadir, iyagoo uga digay Madaxweyne Farmaajo inuu shirka ka dhex abuuro khilaaf hor leh, si uu marmarsiiyo uga dhigto damaciisa muddo kororsiga ahaa, waxaana ay dalbadeen si shirka mira dhal u noqdo illaa lix qodob kuwaasoo kala ah:

In gogosha shirka la ballaariyo oo laga qeyb geliyo wakiilo kala matalaya saamileyda tabashada ka qaba fulinta heshiiska ee kala ah Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo ugu horreeyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, Musharaxiinta iyo bulshada rayidka.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in shirka la siiyo waqti ku filan, si fursad loogu helo xalinta caqabadaha ku horgudban, waxaa kaloo Golaha Midowga Musharaxiinta uu sheegay in xaq dastuuri ay tahay in Gobolka Banaadit matalaad ku yeesho Aqalka Sare, balse Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadka yahay uu kuraasta Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir ka dhigto uu u adeegsado olole doorasho iyo ciyaar siyaasadeed lagu kala irdheynayo bulshada Soomaaliyeed.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: