Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sheegay inuu hortegayo xildhibaanada baarlamaanka…


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu hortegayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbad ayaa saxaafada u sheegay Ra’iisul Wasaaraha uu 9-ka bishan Febraayo hortegayo Baarlamaanka, si uu Warbixin ugu jeediyo.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka uga warbixin doona waxqabadka Xukuumaddiisa ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii xilka loo magacaabay.

8-da bishan Febraayo ee 2021 ayaa waxaa ku eg muddo xileedka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili uu horey u dhammaaday muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad 27kii bishii December 2020.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13361 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: