Wararka

Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik ayaa…

Somali security officers secure the site of a car bomb explosion as paramedics await to rescue the injured in the Kilometre 4 area of Mogadishu, Somalia January 31, 2021. REUTERS/Feisal Omar

Waxaa kordhay khasaaraha ka dhashay weerarkii hubeysnaa ee gelinkii dambe ee shalay lagu qaaday Hotel Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa goor dambe oo xalay ahayd sheegay in sagaal qof oo afar ka mida ay yihiin maleeshiyadii weerarka soo qaaday in lagu dilay weerarkaasi, halka toban kalena ay ku dhaawacantay.

Hase ahaatee wararka saaka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhimashada ay iminka ka badan tahay saddex iyo toban qof.

Dadka weerarka ku dhintay ayaa waxaa ka mida General Maxamed Nuur Galaal, Sarkaal Booliska ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Cali Dhuux Barre, Cabdullaahi Nuure Siyaad oo la dhashay siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), Madaxii Ilaalada Hotelka, nin dhalinyaro ahaa, afar ka mida ciidamada uu Turkiga tababaray ee Haramcad iyo afar maleeshiyadii weerarka soo qaaday ah.

Sidoo kale goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ayaa la geeyay dhaawacyada in ka badan laba iyo toban qof oo rayid ah.

Waxaa suurtagal ah in khasaaraha dhimashada uu ka bato tirada iminka laga warqabo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: