Wararka

Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb…


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulkiisa, waxaana loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka qeyb galaya shirka madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13285 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: