Wararka

Hogaamiyaha mucaaridka Ruushka Navalny ayaa lagu xukumay xabsi seddax sano iyo bar…


Maxkamad ku taalla magaalada Moscow ayaa Talaadadi shalay xabsi saddex sano iyo bar ah ku xukuntay, hogaamiyaha mucaaridka Ruushka Alexei Navalny.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Navalny uu ku xadgudbay xakun horay ugu dhacay oo farayay inusan ka bixi karin Russia. Alexei Navalny ayaa sannadki hore u baxay dalka Jarmalka, si looga soo daweeyo sumeyn Ruushka loogu geystay.

Navalny, oo ah shakhsiga ugu caansan dadka dhaliila siyaasadda hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa xakunka ku dhacay ku tilmaamay iskuday aan macna ku fadhin oo uu Aqalka Kremlin-ka ku rabo inuu ku cabsigeliyo malaayiin Ruush ah, si ay ugu jilba-jabsadaan Putin.

Taageerayaasha Navalny ayaa waxyar kadib marki uu dhacay xukunka maxkamadda, isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn sida Moscow iyo St. Petersburg. Qaarkood ayaa waxaa xiray ciidanka booliska.

Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Germany ayaa ugu baaqay Moscow, in ay si dgg deg ah ay u sii dayso hogaamiyaha mucaaridka Navalny.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13239 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: