Wararka

RW Itoobiya ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa ee ku nool qurbaha inay ka fogaadaan…

FILE PHOTO: Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed address the media after inspecting ongoing developments at the new 32-berth Lamu Port in Lamu County, Kenya December 9, 2020. Presidential Press Service/Handout via REUTERS/File Photo

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay shacabka dalkaas ee ku nool qurbaha inay ka fogaadaan wararka been abuurka ah isla markaana ay ka hortaggaan arrintaas.

“Waxaan idiin kuugu baaqaya in aad ka hortagtaan wararka been abuurka ah ee ku saabsan in beesha caalamka loo sheego xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka” ayuu Abiy kusoo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Hadalka Abiy ayaa imaanayaa xilli dhawaan hoggaamiyaha baxsadka ah ee gobolka Tigray Debretsion Gebremichael uu markii ugu horreysay farriin soo diray muddo ka badan labo bilood oo uu dagaal ka socday gobolkaas kadib markii cod laga soo duubay lasoo dhigay baraha bulshada.

Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in la baaro waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay ka geysteen gobolka intii uu dagaalka ka socday Tigray.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13241 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: