Wararka

Beesha Caalamka ayaa bogaadisay shirka wadatashiga ee Madaxda Soomaalida ee uga socda…


Beesha Caalamka ayaa boggaadisay shirka wadatashiga ee Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uga socda Magaalada Dhuusamareeb.

War ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in saaxiibada caalamka ee Somalia ay soo dhaweynayaan shirka wadatashiga ee ka furmay Magaalada Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Madaxda Soomaalida ugu baaqday inay sii wadaan wada-xaajoodka ay xalka ugu raadinayaan arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Saaxiibbada caalamka ee Somalia waxay soo dhaweynayaan wadahadalada u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Dhuusamareeb ka socda, waxaana ku boorineynaa ka qaybgalayaasha in ay sii wadaan wada-xaajoodka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Hadda waxaa la jooggaa xilligii la gaari lahaa is afgarad, si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii September.”

Shirkan ayaa ka duwanaan doono shirarkii hore, maadaama ay Beesha Caalamka gadaal ka riixeyso, kuna cadaadineyso dhinacyada inay xal ka gaaraan khilaafka horgudban doorashooyinka dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13329 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: