Wararka

Horyaalada ugu weyn Yurub kooxihii xilli ciyaareedkii hore ku guuleystay oo la daalaadhacaya…


Xilli ciyaareedkan waxaa ka dhex jira shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub, kooxdihii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay hantay horyaalka waxay la dhibtooneyaan inay ilaashadaan koobabkooda.

Kaliya Bayern Munich, oo ku guuleysatay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii hore, ayaa hogaamineysa kala horeynta tartanka iyadoo 7 dhibcood ku hogaamineysa kooxda ugu dhow ee Leipzig, ka dib markii la ciyaaray 19 wareeg.

Ka dib 22 wareeg oo Premier League ah, Liverpool oo aheyd (xilli ciyaareedkii hore tii ku guuleysatay) ayaa ku jirta kaalinta afaraad iyadoo leh 40 dhibcood, 7 dhibcood ayey ka dambeysa kooxda hogaanka heysa ee Manchester City, oo weli hal kulan gacanta ku heysato.

Dhanka Spain, xaalada Real Madrid kama fiicna tan Liverpool, kooxda “Royal” ayaa fadhida kaalinta seddaxaad ka dib 20 wareeg oo tartanka, iyadoo 10 dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Atletico Madrid, oo weli heysata kulan oo dib loo dhigay.

Kooxda Juventus oo ka ciyaarta horyaalka Talyaaniga ee loo yaqaan ‘Calcio’ ayaa wajaheysa loolan adag oo uga imanaya kooxaha ka dhisan Milan. Kooxda Milan ayaa Juventus ku hogaamineysa 7 dhibcood, iyadoo fadhida kaalinta afraad, wareega 20aad ee tartanka, laakin Juventus weli waxay gacanta ku heysataa hal kulan.

Haddii France aan aadno, kooxda Paris Saint-Germain ayaa wareega 23aad waxay ku guuldareysatay inay si buuxda u xakameyso horyaalka, madaama ay ku jirto kaalinta seddexaad, iyadoo 3 dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee (Lille).

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: