Wararka

Cabdi Xaashi ayaa beeniyey inuu jiro kulan wadajir ah oo ay u ballansan yihiin labada Aqal…


Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayuu ku beeniyey inuu jiro kulan wadajir ah oo ay u ballansan yihiin labada Aqal kaasoo uu madaxweynuhu ka soo codsaday.

Sida lagu daabacay bogga Twitterka ee Aqalka Sare waxaa lagu wargeliyay dhammaan Senatarada inuusan jirin kulankaas.

“Dhammaan Senatarda Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa inuusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu ka soo codsaday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan qodobka 57aad (c) ee dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad ee (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo ay taariikhdu tahay 06 Janaayo 2021.”ayuu u qornaa qoraalka loo kala direy xubnaha Senatarada Aqalka Sare.

Hase yeeshee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo direy fariin ku saabsan in berri oo ah Sabti 6da Bisha February 2021 uu jiro kulan aan caadi ahayn oo uu Madaxweynuhu khudbad u jeedin doono golaha.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu waday in uu gelinkii dambe ee maanta ka soo ambabaxo magaalada Dhuusamareeb ayaa safarkiisa uu baaqday.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: