Wararka

MW Farmaajo ayaa berri lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo golaha Baarlamaanka…


Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu berri jiro kulan gaar ah oo ahaa kulankii uu Madaxweynaha soo codsaday inuu khudbad u jeediyo golaha.

Madaxweyne Farmaajo oo qorshihiisu ahaa inuu maanta hortago golaha ayaa dib u dhac ku yimid kadib maanta oo Jimce ay u ahayd maalin fasax ah Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu berri oo sabti ah bishuna ay ku beegan tahay 6da Febraayo uu khudbad u jeediyo Baarlamaanka, waxaana ka haray oo kaliya muddo labo cisho ah mudada xil hayntiisa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo galabta uu ka soo tagi doono magaalada Dhuusamareeb, iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin shirkii ay u fadhiyeen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa la isku mari waayay arrinta ku saabsan gobolka Gedo,waxaana dhowrkii maalmood ee uu shirku socday lagu guuleysan waayay in xal laga gaaro khilaafka u dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamul goboleedka Jubbaland.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis weyn ku saartay Dowlada Federalka iyo dowlad goboleedyada in xal laga gaaro dhammaan khilaafyada hareeyey qabashada doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: