Wararka

Axmed Madoobe ayaa fashilka shirka ku eedeeyey Madaxweynaha Somalia oo sheegay inuu…


Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Islaam] oo warbaahinta la hadlay ayaa mas’uliyada burburka shirkii Dhuusamareeb dusha uga tuuray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo Aniga un baa ka talinaya, ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Wuxuu sheegay in aysan marnaba suurtagal aheyn in madaxweyne sidaa ah sida uu hadalka u dhiggay dalka lagu aamino.

Hadalka Axmed Madoobey ayaa imana xili xalay lagu kala taggay shirkii Dhuusamareeb kadib markii leysku mari waayay arrinta gobolka Gedo oo madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ay ku kala aragti duwannaadaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe “Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday see buu Soomaaliya u xukumi karayaa haduu 1-degmo sheegtay anaa leh oo ka soo jeeda reerkeyga ayaa daga oo anaa maamulaya doorashadeeda ” Baarlamaanka Soomaaliya ayuu dhinaca kale ugu baaqay in aysan dalkan qalalaase u horseedin isaga oo yiri ” “Waxaan rabaa Baarlamaanka Soomaaliya inaa u sheego wadankaan dhibaato ha gelinina”

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu dhinaciisa mar walba diyaar u yahay in xal loo helo khilaafka taaggan, hase ahaatee dhinaca madaxweynaha Soomaaliya arrintaa dhinaciisa suurtagal ka aheyn.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Axmed Madoobey uu gaaro magaalada Kismaayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13329 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: