Wararka

Madaxdii ku shiray Dhuusamareeb ayaa lagu eedeeyey inay dib u dhac u horseedayan dalka…


Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in haatan uu shir gaar ahi uga socdo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in shirka oo dibadjoog ka tahay Saxaafadda ay ka qaybgalayan Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxda ay ka arrinsanayaan xaaladda dalka, ka dib 8-da bishan, oo ku eg muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale dhinacyadan ayaa ka wadahadalaya arrimaha doorashooyinka, fashilka ku yimid shirkii maalmahaanba ka socday magaaladaasi iyo baaqii Madaxweynaha ee ahaa in wadatashi dambe leeskugu yimaado, ka dib marka uu xaaladda dalka uga waramay Baarlamaanka.

Ka dib natiijo la’aantii uu xalay ku soo dhamamaday shirkii Dhuusamareeb ayaa hadalhayn xoog leh ka dhex dhaliyay shacabka Soomaaliyeed, oo Madaxda ku eedeeyay inay dib u dhac u horseedayan dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13361 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: