Wararka

MW Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay Mogadishu kadib markii natiijo la’aan ku soo…


Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhow dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib markii shirkii Dhuusamareeb uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii diyaaradiisa soo caga dhigatay garoonka u sii gudbay madaxtooyada, isagoo aan ku hakan VIP Garoonka.

Ciidamada Koofiyo Casta ayaa saakay xiray wadada hormarta Dekeda Muqdisho illaa Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde.

Waxaa la filayaa in Baarlamaanka uu la hadlo saacadaha soo socdo, xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa haatan ku sugan xarunta Baarlamaanka iyadoo loo diiday saxafiyiinta inay gudaha u galaan xarunta Baarlamaanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13285 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: