Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyey inay maanta kulan la leeyihiin Farmaajo…


Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ku wargeliyay inay maanta kulan la leeyihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa xalay farriin qoraaleed loogu diray teleefanadooda gacanta, oo loogu sheegayay in kulanka Madaxweynaha ka soo qaybgalaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa qaarkood ku kala maqan gobolada dalka iyo Magaalada Dhuusamareeb, inkastoo kuwa ku sugan Dhuusamareeb ay saaka u safri doonaan Caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saaka lagu wadaa inuu u ambabaxo Magaalada Muqdisho, si uu xaaladda dalka uga warbixiyo Xildhibaanada Labada Aqal.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa Jimcihii sheegay inaanu Madaxweyne Farmaajo soo weydiisan Labada Aqal kulan wadajir ah.

Gudoomiye Xaashi ayaa Senatorada Aqalka Sare ku wargeliyay inaanay maanta wax kulan ahi la lahayn Madaxweynaha.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in Madaxweynuhu uu Baarlamaanka weydiisto muddo kordhin, bacdamaa uu muddo xileedkiisu ku egyahay 8-da bishan.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli uu bilaa natiijo ku soo idlaaday shirkii wadatashiga ee maalmahaanba Madaxda uga socday Magaalada Dhuusamareeb.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: