Manchester City ayaa dersi lama iloobaan ah u dhigtay Liverpool kadib markii 4-1 uga badisay….
Ciyaartii xiisaha laheyd ee la wada sugayay oo Liverpool laga sugayey oo keliya inay guuleysato haddii ay rabto inay tartanka horyaalka ku sii jirto ayaa goor dhow waxay ku soo idlaatay 1-4 oo Manchester City u dhigtay duruus iyadoo weliba lagu ciyaayarey garoonka Liverpool.
Goolasha Manchester City waxaa kala dhaliyey Gundogan oo labo gool dhaliyey inkasta oo gool ku laad khasaariyey, Foden iyo Sterling, goolka agoonka ah waxaa Liverpool u dhaliyey Mohamed Salah kaasoo gool ku laad ahaa.
Manchester City ayaa horyaalka Premier League ku hogaamineysa 50 dhibcood halka Liverpool ay leedahay 40 dhibcood.

Dhinaca kale Kadib natiijooyin isdaba joog ah oo xumaa, Tottenham ayaa dib u heshay jidkii guulaha kadib markii ay 2-0 kaga adkaatay West Bromwich Albion Axada wareega 23-aad ee Horyaalka Ingiriiska.
Harry Kane ayaa u dhaliyey Tottenham goolka 1aad daqiiqadii 54-aad, kaliya 4 daqiiqo kadib, saaxiibkiis South Korea, Heung Min-soon, ayaa raacsaday goolka labaad.
Guushu waxay Tottenham u keentay 36 dhibcood oo ay ku fadhiyaan kaalinta toddobaad, West Brom-na waxay ku joogsatay 12 dhibcood oo ah kaalimaha ugu hooseeya.
Kane wuxuu cadeeyay muhiimada uu u leeyahay Tottenham, madaama guulaha ay ka maqnaayeen maqnaanshihiisa dhaawaca awgii wuxuuna la soo laabtay goolashii, isaga iyo Son waxay yihiin labo weeraryahan oo khatar ah, waxayna labaduba leeyihiin 13 gool oo Premier League ah, waxay labo gool ka hooseeyaan Xiddiga Liverpool Mohamed Salah.

Xiddiga reer Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa kooxdiisa Milan u horseeday in ay 4 gool ku xaaqdo kooxda Crotone ciyaarii Axada, kulankii 21-aad ee Horyaalka Talyaaniga.
Garoonka San Siro, Ibrahimovic ayaa wadada u xaaray guusha Milan isagoo dhaliyay goolkii ugu horeeyay iyo kan labaad daqiiqadihii 30aad iyo 64aad.
Milan ayaa horyaalka Talyaaniga ku hogaamineysa 49 dhibcood, labo dhibcood ayey ka sareysaa kooxda Inter Milan, oo ay degatay kaalinta labaad.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com