Wararka

Sudan ayaa sheegtay tallaabo kasta oo Ethiopia keligood u qaado buuxinta biyo xireenka ay…

FILE PHOTO: Ethiopia's Grand Renaissance Dam is seen as it undergoes construction work on the river Nile in Guba Woreda, Benishangul Gumuz Region, Ethiopia September 26, 2019. REUTERS/Tiksa Negeri/File Photo

Wasiirka Kheyraadka Biyaha ee Sudan Yasser Abbas ayaa sheegay in tallaabo kasta oo Ethiopia ay keligeed u qaaddo inay ku buuxiso mashruuceeda biya xireenka koronta ee bisha Jully inuu si toos halis ugu yahay ammaanka qaranka ee Sudan.

Yasser Abbas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in Sudan ay soo jeedinayso in door dhexdhaadin ah ay ku yeeshaan dalalka Mareykanka, ururrada Midwoga Yurub iyo Midowga Africa, si meesha looga saaro ismari waaga wadaxaajoodka ee la xiriira biya xireenka ee u dhaxeeya dalalka Sudan, Masar iyo Ethiopia.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Sudan iyo Ethiopia ee la xiriirta muranka dhulbeereedka ku yaalla xuduudda ay wadaagaan labadaasi dal.

Ethiopia ayaa sheegtay in mashruuca biyo xireenka uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalahooda, iyadoo Masar-na ay horay u sheegtay in tallaabadaasi ay khatar weyn ku tahay 90% biyaha ay cabaan oo uga yimaadda wabiga Nile, waxayna ku baaqday in marka hore heshiis laga gaaro inta aysan Addis Ababa tallaabo uqaadin arrinkaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13239 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: