Wararka

Ciidamadii lagu qabtay dagaalkii Beled Xaawo ayaa la keenay magaalada Mogadishu…


Inta badan Ciidamadii Maamulka Jubbaland ee lagu qabtay dagaalkii 25-kii bishii hore ee January ka dhacay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa gelinkii dambe ee shalay la keenay Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayay siyaabooyin kala duwan diyaarado uga soo daad-gureeyeen Degmada Doolow, oo tan iyo 26-kii bishii January ay ku sugnaayeen.

Qaybta ugu dambeysa ee ciidamadan ayaa maanta la fillaya in la keeno Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo, Cali Cabdullaahi Juba.

Afhayeenka ayaa tirada ciidamada ku sheegay 227 askari, kuwaa oo 60 ka mida sida uu sheegay, ay isu soo dhiibeen Dowladda Federaalka.

Juba ayaa intaa ku daray in ciidamadan ay ku jiraan kuwo da’ yar, oo sida uu yiri la soo khalday, ujeedkuna uu yahay in ciidanimada laga saaro, lana siiyo waxbarashada ay jecel yihiin. Ciidamada kale ayuu sheegay ee u khalma inay ciidamada federaalka ka mid noqdaan uu askari kasta u madaxbannaan yahay in uu xusho qaybta uu doonayo inuu ka mid noqdo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: