Wararka

Xasan Sheekh ayaa Farmaajo ku eedeeyey inuu dalka geliyey xaalad hubanti la’aan ah oo…


Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in dalka uu geliyay xaalad hubinti la’aan ah oo mugdi u horseedi karta mustaqbalka dalka.

“Waa xaqiiqo aan la jecleyn in Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Somalia ay leedahay shacab iyo haldoor buu yiri ka samata bixin kara xaaladaha adag, isagoo dhanka kalena ku baaqay xasillooni iyo aragti wadaag.

“Somalia waxay leedahay shacab iyo haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag.” Ayuu yiri Xasan Sheekh oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka dadweynaha.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa imaanaya, iyadoo uu maanta ku egyahay muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen laga bilaabo 8-da February oo maanta ku beegan inaanay Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: