Wararka

Madaxweynaha cusub ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ICJ ayaa loo doortay…


Joan E. Donoghue oo ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka (ICJ) waxay bedelaysaa Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Soomaali ah.

Kirill Gevorgian oo u dhashay Ruushka ayaa isna loo doortay madaxweyne kuxigeen, madaxdan cusub ayaa xilla hayn doona min saddex sano.

Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ 6dii February 2018kii.

Bedelka guddoomiyihii Maxkamadda ICJ Cabdulqawi Axmed ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo bisha soo socota ee March ay maxkamadu dhagaysan doonto dawcadda Soomaaliya ka gudbisay sheegashada Kenya ee biyo badeedka Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13239 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: