Wararka

Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay degdeg u bilaabaan wadahadalada…


Dowlada Maraykanka ayaa ka hadashay khilaafka ka jira dhinaca doorashooyinka dalka Somalia waxana afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka Somalia.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadalada ay madaxda Somalia ka yeelanayeen arrimaha doorashooyinka si loo qabto doorasho.

“Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaalida in ay degdeg dib ugu bilaabaan wada hadalada, una xalliyaan ismari-waaga taagan, si dhaqsana loo gudagalo doorashada. “ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale afhayeenka ayaa ka digey in Somalia laga dhiso maamul xil gaarsiin ah oo muddo dheer qaata taasoo sababi karta xasilooni darro.

“Doorashooyin isdhinac socda, kuwa hal dhinac ah ama waqtiga diyaar garowga daba-dheeraanshaha maamul xilgaarsiin ah intuba waxay horseedi doonaan xasillooni darro” afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa yiri.

Waxaa sii kordhaya walaaca Dowlada Maraykanka ay ka qabto arrimaha doorashooyinka dalka Somalia waxaana dhowaan bayaan ka soo saaray safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Somalia.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: