Wararka

Dowladda Somalia ayaa diiday in dib loo dhigo dacwada Badda ee kala dhaxeysa Kenya…


Dowlada Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay in dib loo dhigo dacwada Badda ee kala dhexeysa dowlada Kenya kadib markii ay dowlada Kenya markale codsatay in dib loo dhigo qaadista dacwada.

Shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay magaalada Muqdisho Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayuu ku sheegay mowqifka dowlada Soomaaliya taasoo ah in aan dib loo dhigin dacwada Badda.

“Arrinta dib u dhigista dacwadaha oo markii afaraad la rabo in dib loo dhigo oo aan saaka diidnay waxay dhabarjab ku tahay cadaalladda adduunka,” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in dowlada Soomaaliya ay warqad u dirtay maxkamadda ICJ, islamarkaana ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwaddaasi.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saaka oo Khamiis ah 11-ka February, 2021-ka waxay maxkamadda cadaaladda dunida ICJ oo xarunteedu tahay Hague ee dalka Netherland u qortay warqad ay ku sheegeyso Soomaaliya inay diyaar u tahay in ay ka qeyb-gasho dacwadda oo la muddeeyey 15-ka Maarso, 2021-ka,” ayuu markale yiri wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka ah e Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13288 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: