Wararka

Dowladda ayaa ka hadashay dhagxaanta la dhigay wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan…


Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay dhagxaanta la dhigey xalay wadada Maka Al Mukarama gaar ahaan Isgoyska Dabka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalmow ayaa sheegay in culeys dhanka dhaqdhaqaaqa shacabka ah uu ka dhashay, dib u eegis deg deg ahna lagu sameyn doono tallaabadaas, sidoo kalena la xoojinayo amniga.

“Go’aanka Isgoyska Dabka qeyb ahaan lagu xiray wuxuu abuuray culeys dhanka dhaqdhaqaaqa Shacabka. Inshallah dib u eegis deg deg ah ayaa lagu sameynayaa iyada oo had iyo jeer ahmiyadda la siinayo daryeelka shacabka, lana sii xoojinayo adkeynta amniga;”ayuu ku daabacay boggissa Facebook afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimow.

Waxaa saaka laga dareemay saxmad badan wadada Maka Al Mukarama oo ka mid ah wadooyinka waaweyn ee caasimada dalka ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay fiidkii waxaa ay dhagxaan waaweyn ku jartay wadada Dabka ee magaalada muqdisho, kadib markii shalay gaari si xowli ah kusoo maray halkaas uu ku qarxay bar-koontorool ee Isgoyska Sayidka ee Muqdisho.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: