Wararka

Qoys reer Sudan ah ayaa ku dhamaaday saxaraha u dhaxeeya Sudan iyo Libya iyagoo u dhintay haraad…


Qoys reer Suudaan ah ayaa ku xayirmay saxaraha u dhaxeeya Sudan iyo Liibiya waxayna ka lumeen wadadii ilaa ay ka dhintaan, waxayna uga tageen goobtaasi dardaaran saameyn adag reebay oo qoray mid ka mid ah qoyska, waxaana baraha bulshada ee Suudaan iyo Carabta is qabsaday mashaqada ku dhacday qoyskaasi sheekadooda, dadka isticmaala Twitter-kuna waxay ku soo lifaaqeen sawirka dardaaranka, waxaana laga helay dardaaranka meydadka reerka meel u dhow.

Ambalaaska iyo adeegyada gurmadka degdega ah ee Kufra ayaa sii daayay clip muujinaya habka meydadka loo soo saaray, waxayna sheegeen inay ka heleen meel fog oo lamadegaanka ku taal oo u dhaxeysa xadka Libya iyo Sudan, oo qiyaastii 400 kiilomitir koonfur bari ka xigta magaalada Kufra.

Qof reerka ka mid ah ayaa qoray qoraal gacmeed, waxaana helay kooxdii samatabbixinta, waxaana ku qornaa: “Qofkii hela warqaddan, kani waa nambarka walaalkay, waan idin macsalaameynay, i cafiya inaanan hooyaday idin keenin. Baba iyo Nasser waan idin jaclahay, noogu duceeya naxariis, noo soo aqriya Qur’aan. “.

Agaasimaha Ambalaaska iyo Adeegyada Degdegta ah ee Kufra, Ibrahim Hassan, ayaa ku yiri markii aan helnay warbixin sheegeysa inay meydad halkaasi yaaliin, waxaan abaabulnay ciidan milateri ah oo ay la socdaan kooxo gurmad ah inay u dhaqaaqaan aagga qiyaastii 420 km u jirta magaalada, waxaana la soo helay 8 meyd ah, waxaana socda Sidii loo ogaan lahaa magacyadooda, lama oga inay jiraan tiro kale.

Wuxuu intaas ku daray in marka la fiiriyo xogta hordhaca ah, 6 bilood ayaa ka soo wareegtay markii shilku dhacay, taas oo ay xaqiijiyeen qoysaska dhibbanayaasha ee ku sugan Suudaan, ayna heleen warbixin ku saabsan maqnaanshahooda 3 bilood ka hor, waxaana lagu sababeeyay geeridooda in ay harraad u dhinteen, waayo meydadka agtooda waxaa yaalay cunto, dhacdadan ayaa dhacday xilligii kuleylaha oo heer kulku uu gaaro 50 darajo.

Wuxuuna u sheegay qoysaska doonaya inay safraan inay raacaan wadooyinka rasmiga ah, oo ku maraan jidkaasi kolonyo baabuuro ah si looga fogaado wax dhibaato ah, waxay kaloo ku dareen in horey loo sii qaato telefoonka ku shaqeeya satellite-ka, si ay ugu suura gasho inay la soo xiriiraan oo ay weydiistaan caawimaad haddii ay dhacdo xaalad deg deg ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13239 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: