Wararka

Shirkii uu ku baaqay Farmaajo oo maanta ku beegan ayaa u muuqda mid dib u dhac ku yimid…


Shirkii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku baaqay 15-ka bishan oo maanta ku beegan ayaa sida muuqata waxaa ku yimid dib u dhac.

Madaxweynaha ayaa 9-kii bishan shir wadatashi isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, shirkaas oo uu iclaamiyay in uu ka furmi doono Magaalada Garowe, inkastoo ay Puntland ka hortimid.

Puntland ayaa ku baaqday shirka wadatashiga in lagu qabto Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay ka soo qaybgalaan dhammaanba dhinacyada siyaasadda, taasoo ay ku taageereen Jubbaland, Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Golaha Midowga Musharaxiinta.

Doodda ka dhalatay halka lagu qabanayo shirka ayaa dhabaha u xaartay dib u dhaca ku yimid shirkan, oo aan si rasmi ah loo ogeyn goorta uu furmi doono iyo weliba goobta lagu qabanayo.

Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa magacaabay afar iyo toban xubnood, oo shir horudhac u ah ku yeelanaya Magaalada Baydhabo.

Xubnahan ayaa shirkooda ugu gogol xaaraya shirka wadatashiga ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyadoo sidoo kalena ay go’aan ka soo saari doonaan halka lagu qabanayo shirkaasi. Maanta ayayna xubnahan taggayan Baydhabo.

Villa Somalia ayaa dib ka soo muddeyn doonto goorta la qabanayo shirkaasi, marka is afgarad laga gaaro halka ay tahay in lagu qabto.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13361 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: