Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Cabdiweli Muuday ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee…


Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Wafdiga Guddoomiye Kuxigeenka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati-Gaduud ku soo dhaweeyay Labada Guddoomiye Kuxigeen ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Maxamed Nuur Macalin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka uu ku soo dhaweynayo deegaan doorashadiisa.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ayaa ka mahadceliyay, sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Muudey ma sheegin ujeedada uu xilligan u tagay Magaalada Baydhabo, waxaase jira warar sheegaya in uu u tagay arrimo la xiriira, sidii markale loogu soo dooran lahaa xubin ka tirsan Golaha Shacabka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13361 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: