Wararka

Beyle ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo kala hadlay miisaaniyadda…


Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee xilka sii-haya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo ugu horreeyo Taliye Oadwaa Yuusuf Raage.

Wasiir C/raxmaan Beyle oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in kulan looga hadlay Miisaaniyadda Ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa.

Beyle ayaa waxaa uu sheegay inay ka go’an tahay taageerida Ciidanka dowladda ee u taagan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka shaqeeynayan sidii loo horumarin lahaa Ciidamada.

“Waxaan ka wada hadalnay Miisaaniyadda Ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa, Muhiimadeena 1aad waa in aan taageernaa Ciidamadeena geesiyada ah ee u taagan har iyo habeen difaaca Dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee xilka sii-haya C/raxmaan Beyle u mahadceliyay Madaxda Wasaaradda iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo ka qeyb galay kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: