Wararka

Ciidamada Mareykanka ayaa qabtay doonyo ay saarnaayeen hub badan oo aan la ogeyn halka loo…

In this Friday, Feb. 12, 2021 photo released by the U.S. Navy, the guided-missile destroyer USS Winston S. Churchill boarded a stateless dhow off the coast of Somalia and interdicted an illicit shipment of weapons and weapon components. The U.S. Navy said on Tuesday, Feb. 16 that it seized a large cache of weapons, including Kalashnikov-style rifles and rocket-propelled grenade launchers, being smuggled by ships off the coast of Somalia. (Mass Communication Specialist 3rd Class Louis Thompson Staats IV/U.S. Navy via AP)

Ciidamada Maraykanka ayaa ku qabtay labo doon oo ay saarnaayeen hub faro badan kuwaasoo aan la ogeyn halka lagu waday.

Markab Dagaal oo laga leeyahay Dalka Mareykanka oo lagu magacaabo USS Winston S. Churchill ayaa gacanta ku dhigay labadan doon aan weli la shaacin dalka laga leeyahay.

Qoraal ka soo baxay Saraakiisha Markabka USS Winston S. Churchill ayaa lagu xusay in doonyahan ay sideen hub kala duwan oo ku wajahnaa Dalka Soomaaliya ama Yemen.

Bayaanka laguma xusin halka ay ka soo shiraacdeen doonyahan iyo cidda ay u sideen hubkii lagu qabtay xeebaha Soomaaliya.

Hubka ayaa isugu jiray RPG, BKM iyo AK- 47, iyadoo aan la shaacin goobta lagu qabtay hubkaas, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in hubkan loo waday dalka Yemen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale weli ka hadlin wararka sheegaya in Ciidanka Mareykanka ee jooga xeebaha dalka ay qabteen hub farabadan oo sharci darro ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13242 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: