Wararka

Liverpool ayaa ka gaartay guul qaali ah Leipzig lugtii koowaad ee wareega 16ka ee Champions…


Kooxda reer England ee Liverpool ayaa guul qaali ah oo laba gool ah ka gaadhay kooxda reer Jarmal ee Leipzig lugtii 1-aad ee wareega 16-ka ee tartanka champions League, si ay ugu dhawaato in ay gaarto wareega 8 dhamaadka isla markaana ay ka soo kabato dib u dhacyadii ka qabsaday premier League.

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa u horseeday Liverpool inay gaarto guushii muhiimka ahayd, habeenimadii Talaadada, wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ciyaarta ka dib markii uu furay gooldhalinta kooxdiisa kulankii ka dhacay Puskas Arena ee Budapest, Hungary, sababo la xiriira tallaabooyin taxaddar ah oo looga cabsanayo faafida nooca cusub ee ka dilaacay Ingriiska ee Coronovirus.

Salah ayaa ka faa’iideystay qalad uu galay difaaca kooxda Leipzig ee Jarmalka, qeybtii labaad wuxuuna muujiyey inuu si miyir leh ugu dhaqaaqay xerada ganaaxa hortiisa oo halkaasi ka dafay kubbadda kana dhigay goolkii ugu horreeyay ee kooxda, wax ka yar shan Daqiiqado, qalad kale oo difaaca sameeyey ayaa ka faa’ideystay laacibka ka soo jeeda Senegal Sadio Mane wuxuuna ka dhigay goolka labaad.

Ciyaarta ayaa ahayd mid xamaasad leh oo dhex martay laba kooxood oo ku sifoobay cadaadis xoog leh, laakiin khibrada Reds ayaa u horseeday in kooxda tababaraha Jarmalka ee Jürgen Klopp uu ku guulaystay in uu badalo qaabkii ciyaarta ee labada qaybood ee ciyaarta isla markaana uu helay guusha qaybta labaad.

Liverpool ayaa ku martigelin doonta kooxda Jarmalka garoonka Anfield kulankooda labaad ee is araga Maarso 10da.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13329 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: