Wararka

Shaqaalaha dowladda ayaa la fasaxay oo aan ka aheyn inta aan looga maarmeyn xafiisyada…


Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku hakisay isku imaatinka shaqaalaha iyo xaadirintooda si looga fogaado faafidda cudurka Covid-19.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in shaqaalaha intooda badan la fasaxay, isla markaana ay soo shaqa tegayaan oo kaliya inta aan looga maarmeyn xafiisyada hey’adaha dowladda.

Tallaabadan ayaa ah tii ugu horeysay ee dowladu qaado si loogaga hortago faafida cudurka Covid 19, waxaa laga yaabaa in sidoo kale la fasaxo ardayda dugsiyada lana joojiyo duulimaadyada gudaha dalka iyo dibadda sidii hore ay dowladu u sameysay sanadkii hore 2020.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14086 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: