Wararka

AUN Fanaankii qaranka Faarax Siidow Faarax ayaa ku geeriyooday magaalada Mogadishu…


Allaha u naxariistee waxaa caawa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii Faarax Siidow Faarax, oo ka mid ahaa Fannaaniinta Qaranka.

Geerida hobolka ayaa waxaa xaqiijiyay wiilkiisa Maxamed Faarax Siidow, oo sheegay in aabihii uu maalmihii ugu dambeysay ku xanuunsanaa magaalada.

Allaha u naxariistee Faarax Siidow ayaa ifka uga tagay xaas iyo saddex iyo toban carruur ah.

Wasiirka Warfaafinta Somalia, Cismaan Abokar Dubbe ayaa geerida hobolka uga tacsiyadeeyay qoyskii uu ka baxay iyo dhammaanba Ummadda Soomaaliyeed.

Hobolka ayaa xilligii berri-samaadka ku luqeeyay heesaha dabacsan iyo kuwa waddaniga, isagoona leh heeso dhiirigeliya wax soo saarka beeraha iyo in dadku shaqaystaan.

Faarax Siidow ayaa heestiisii ugu horeysay ee uu ku luqeeyo waxay ahayd heestiisii caanka noqotay ee Maseer. Heestan ayuu kol hore sheegay in uu sameeyay sanadkii 1969-kii, balse uu ku lugeeyay 1971-kii.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: