Wararka

Manchester City ayaa gaartay guul qaali ah kadib markii Everton uga badisay 3-1, ciyaar ka tirsaneyd…


Manchester City ayaa sii wadata guulaheedii is xigxigay ee Horyaalka Ingiriiska waxaana ay guul qaali ah oo 3-1 ka gaartay kooxda Everton, fiidnimadii Arbacada, ciyaartii dib loo dhigay ee wareegii 16-aad ee tartanka.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah, iyadoo Manchester City ay shabaqa ugu taabatay Phil Foden daqiiqadii 32aad, halka Richardson uu u barbareeyay Everton daqiiqadii 37aad.

Qeybtii labaad, Manchester City ayaa dhalisay labo gool oo ay u kala dhaliyeen xiddiga reer Algeria Riyad Mahrez iyo Bernardo Silva daqiiqadihii 63aad iyo 77aad.

Manchester City ayaa xaqiijisay guusheedii 12-aad oo xiriir ah Horyaalka Ingiriiska iyo tii 17-aad oo xiriir ah tartamada kala duwan oo dhan, si ay u sii wado bilowgeeda cajiibka ah ee safarka ay ku dooneyso inay dib ugu hanato horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa sare u qaaday dhibcaheeda oo ay ka dhigtay 56 dhibcood oo ay ku hogaamineyso horyaalka England ee Premier League, iyadoo farqiga u dhaxeeya kooxda ugu soo dhow uu yahay 10 dhibcood waana kooxda ay deriska yihiin ee Manchester United iyo leicester oo isku dhibco ah oo ku kala jira kaalimaha labaad iyo seddaxaad.

Everton ayaa ku joogsatay 37 dhibcood oo ku jirta kaalinta 7aad ka dib markii ay la kulantay guuldaradii labaad oo isku xigta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13285 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: