Wararka

Ciidamada Dowladda ayaa lagu eedeeyey in ay weerar ku qaadeen Hotel ay deggen yihiin madaxdii…


Ciidamada Dowladda Somalia ayaa la heegay in ay weerareen Hotel Maa’ida ee Magaalada Muqdisho, oo ay degan yihiin Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta.

Dagaalka ayaa bilowday, ka dib markii Ciidamada Dowladda ay weerareen ciidan taabacsan Midowga Musharaxiinta oo ku sugana aagga Taalada Daljirka Dahsoon, halkaaso uu Hotel Maa’ida (Ex Naasa Hablood 2) ku yaalo.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan leysku adeegsaday ayaa qalqal ku abuuray bulshada ku dhaqan Degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamar Weyne, Warta Nabadda iyo degmooyinka kale ee ku dhow dhow.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa ah mid kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dhinacyadu ay markale wada dagaalamaan.

Madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu bixiyay amarka lagu soo weeraray.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo ku soo duulay Hotelka Maa’ida, oo aniga, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka mid ah Midowga Murashaxiinta aan deganahay. Weerarka waxaa amray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo, isagoo doonaya in uu na caburiyo. Xoogna uu ku muquuniyo shacbiga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda udhiibtaan si nabad ah.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna yiri “Ciidanka Dowladda ayaa weerar ku soo qaaday Hotel Maa’ida, oo aan ku sugannahay aniga iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Ahmed.”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhacdadaasi ka hadlay ayaa yiri “Weerarka lagu qaaday Hotel Maa’ida oo ay degan yihiin labada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waa dulmi iyo gardaro cad oo uu soo qaaday taliska xilkiisu dhacay ee ina Farmaajo. Waxaan ugu baaqayaa shacabka Muqdisho in ay dulmiga iska daafacaan.”

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somalia ahna Musharax Madaxweyne ayaa dhankiisa waxaa uu yiri “Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa inay adkeeyaan midnimadooda bulsho, ayna si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan xukunka ku dhisan kali-talisnimada ee dhaxalkiisa aan horey u soo aragnay.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13261 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: