Wararka

QM ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo isku dhacyada ka socda magaalada Mogadishu…


Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo isku dhacyada ka socda Muqdisho ee saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii ishoristaag lagu sameeyay shacabka banaanbaxa ka dhigaayay Muqdisho ee kasoo horjeeday dowladda.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la isugu yimaado shir deg deg ah oo looga hadlaay xaaladda hadda taagan.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay xalay iyo saakay oo Jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay.

“Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebtembar” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka kooban ee UNSOM.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jirta xiisad ka dhalatay banaanbax ay midowga musharaxiintu ku baaqeen in maanta lagu qabto Muqdisho hase yeeshee dowlada fedralka ay ishortaag ku sameysay banaanbaxa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13242 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: