Wararka

Rooble: Waa nasiib daro iyadoo la joogo sanadka 2021 uu qof sheegto inuu qabsaday Mogadishu…


Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu ka xun yahay rabshadihii xalay ilaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mudane Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay “in iyadoo la joogo sanadkan 2021 uu qof sheegto inuu qabsaday magaalada Muqdisho, uuna sheegay in aysan dowlad jirin”.

Waxaa uu intaa raaciyay in dagaalka xalay uu ku bilowday weerar lala beegsaday Ciidamada Dowladda.

Iska horimaad u dhexeeya ciidanka dowladda iyo xoogag taabacsan musharraxiinta mucaaradka ayaa xalay iyo saaka ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay ka hor joogsatay dibedbax ay si nabdood u qaban lahaayeen.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa tilmaamay inuu “dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay, balse laga dhaga adeygay”.

Rooble ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ogoshahay mudaharaad si nabdoon u dhaca oo ay ilaalinayaan Ciidamada Dowladda, balse dibedbaxa mucaraadka ay doonayeen “inay horkacaan ciidamo ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda”.

Ra’iisal wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in dalka ay ka dhici doonto doorasho “xor iyo xalaa ah”.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13242 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: