Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay joogteyn doonaan banaanbaxyada looga soo…
Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay joogteyn doonaan bannaan baxyada, si ay shacabka u muujiyaan rabitaankooda iyo in dalka aysan ka abuurmin diktatooroyad.
Bayaan ay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay cambaareynayaan gabood falka dowladda waqtigeedu dhamaaday si sharci darro ah ku weerartay xubno ka mid ah Musharaxiinta, kuna weerartay goob ay ku bannaan baxayeen.
“Golaha Midowga Musharaxiinta waxay horay u aaminsanaayeen haddana u cadaatay in Madaxweynihii hore Farmaajo uusan nabad iyo xasillooni u rabin dalka, daacadna ka aheyn inuu galo doorasho loo siman yahay, waxay maaweelayaashiisa siyaasadeed iyo hawadiisa beenta ah tustay in awoodda dalka xoog ku heysan karo sharci darrana ku sii joogi karo”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com
U dhaaf Halcelis