Wararka

Naomi Osaka ayaa ku guuleysatay Tennis-ka haweenka ee Australian Open, kadib markii…


Gabadha reer Japan ee lagu magacaabo Naomi Osaka ayaa ku guuleysatay horyaalnimada tennis-ka ee Australian Open, ka dib markii ay ka adkaatay Jennifer Brady oo u dhalatay Mareykanka 6-4, 6-3 Sabtidii ciyaartii ugu dambeysay ee tartanka.

Osaka oo 23 jir ah ayaa waxay haysataa 4 horyaal ee Grand Slam, horyaalkan wuxuu u yahay kii labaad ee Australian Open, ka dib kii ugu horeeyay ee 2019, sidoo kale waxay ku guuleysatay US Open tennis labo jeer sanadahii 2018 iyo 2020.

Osaka waxay ilaalisay rikoorkeeda iyadoo aan laga badinin wax kulan oo weyn oo tartan ah, laga bilaabo wareega afar dhamaadka.

Tani waa markii ugu horeysay ee Brady, 25 ay soo gaarto finalka tartan Grand Prix.

Osaka ayaa waxay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee ku guuleysata 4 horyaal tartamada ee abaalmarinta 4tii kulan ee ugu dambeysay ee ay ka qeyb gashay, tan iyo markii Monica Seles ay sameysay horaantii 1990kii ee qarnigii hore.

Brady waxay sifiican uga soo muuqatay tartankan, natiijadan awgeed, waxay gali doontaa liiska 20ka ciyaartoy ee ugu sareysa usbuuca soo socda, in kasta oo aysan awoodin inay tababar sameyso ka hor tartanka sababo la xiriira xeerarka karantiilka.

Brady waxay ka mid aheyd ciyaartoy ku dhacay cudurka Coronavirus safarkeedii Australia, waxayna qolkeeda ku jirtay 15 maalmood oo karantiil aheyd.

Dhinaca kale Ciyaarta kama dambeysta ee tartanka ragga ayaa dhexmari doonta Novak Djokovic, oo ah ninka kaalinta 1-aad ku jira adduunka isla markaana difaacanaya horyaalka Australia Open, iyo Daniel Medvedev oo reer Russia ah maalinta Axadda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13240 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: