Wararka

Xaalada Mogadishu ayaa deggan, waddooyinkii xirnaa ayaa dib loo furay, waxaa la fasaxay isku…


Xaalada magaalada Muqdisho ayaa maanta deggan, waxaana dib loo furay isku socodka waddooyinka Muqdisho, iyadoo Taallada Daljirka Dahsoon oo ahayd halka dowladdu ay gaysay ciidanka ugu badnaa haatan ay tahay mid furan oo dib loo fasaxay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Waxaa la arkayaa bulshada qeybeheeda kala duwan oo isticmaalaya waddada, isla markaana hadda ay xaaladdda guud tahay mid sidii hore kusoo laabatay, maaddama waddadu 24kii saac ee aynu soo dhaafnay ay ahayd mid xiran.

Waddooyinka ayaa xirmay kadib markii mudaaharaad ay diidan tahay dowladda ay ku baaqeen midowga musharraxiinta, kuwaas oo ciidamo soo dhoobay banaanka hore taallada Daljirka Daahsoon.

Ciidanka dowladda ayaa dagaal dhacay habeen hore saqdhexe waxaa ay kula wareegtay taalada Daljirka, iyadoo gaadiidka dagaal iyo ciidamo ka qab-qabtay dhanka kale.

Dhanka kale, waxaa hirgeli waayay mudaaharaadkii ay ku baaqeen midowga musharrixiinta sababo la xiriira bandow lagu soo rogay magaalada shalay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13242 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: