AUN Fanaanadii caanka aheyd ee Faadumo Cali Nakruma ayaa ku geeriyootay magaalada Mogadishu…
Allaha u Naxariistee Fanaanadii caanka aheyd Faadumo Cali Nakruma oo ka mid ahayd Fanaaniintii Qaranka Soomaaliyeed ayaa goordhow ku geeriyootay magaalada Muqdisho.
Fannaanada ayaa ku geeriyootay Isbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho, iyadoo maalmahan la xanuunsaneysay xanuunka Coronavirus.
Faadumo Cali Nakruma ayaa ka mid ahayd qurbojoogta Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay, waxayna ku luqeysay heeso badan oo Jacayl iyo waddani leh, iyadoona ka tirsaneyd kooxdii Waaberi, Allaha u Naxariisto.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com
U dhaaf Halcelis